Maamulka Somaliland iyo Dadka degaannada SSC ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabista Madaxweynaha Soomaaliya ee ergey u qaabilsan Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay magacaabista ergeyga C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaliland.
Wuxuu sheegay in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan kala socda siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay. “Shalay waa tii la magacaabay ergayga wada hadlada, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ergeyga loo magacaabay waa nin aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” ayuu yiri Muuse Biixi.
Dhinaca kale Odayaasha SSC ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku caddeeyay in SSC-Khaatumo aysan ka mid ahayn, kana mid noqon doonin Somaliland. Waxayna caddeeyeen inay ka mid yihiin Soomaaliya, iyagoo sheegay ergeyga cusub aanu quseynin.
Magacaabidda Ergeyga Somaliland ayaa kusoo beegantay iyadoo uu socdo dagaalka culus ee magaalada Laascaanood, kaasoo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka SSC.