Waxaa magaalada Ankara loogu sameeyay xafladan sagootinta ah safiirkii Soomaaliya u fadhiyay DalkaTurkıga  Maxamed Mursal Sheekh oo xilkii laga qaaday dhowaan, waxaana xafladaasi  oo ka dhacday Hotelka Hilton ee Ankara soo qabanqaabiyay safiirada  dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Turkıga.
Sagootinta safiirka ayaa ka danbeysay markii lagu bedelay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hore looga qaaday xilka taliyaha nabad sugidda Soomaaliyeed isagoo qeyb ka ahaa khilaafkii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed.
Magacaabidda Sanbaloolshe loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona dalka Turkiga ayaa ku dhacday si qarsoodi ah oo aanay golaha wasiirada soo jeedin, kuna jirin shan safiirka oo golaha wasiirada ansixiyeen.  Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si toos ah ugu magacaabay C/llaahi Sanbaloolshe safiirka Turkiga, waxaana la sheegay inuu ku dooday inuu Mudane Sanbaloolshe hore u ahaa safiir oo aanu u baahneyn in gole wasiiro soo jeediyaan.
Waxaa jiray heshiis hoose oo dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh & Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid kuna saabsan inay is weydaarsadaan laba safiir oo Soomaaliya muhiim u ahaa, Cumar C/rashiid ayaa keensaday safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, halka madaxweynaha uu watay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo Turkiga loo magacaabay.
Dowladaha Kenya iyo Turkiga ayay muddo dheer ku qaadatay inay aqbalaan safiirada cusub, Danjire Jamaal ayaa shalay uun si rasmi ah xilka ula wareegayay, halka C/llaahi Sanbaloolshe lagu wado inuu toddobaadkan iska xaadiriyo Turkiga oo xilka la wareego.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]