Thursday, February 22, 2024

Sidee Qodobkan ku ogolaaday C/casiis Lafta-gareen? (Maamulka Doorashada K/Galbeed)

Waxaa xalay heshiis laga gaaray khilaafkii Doorashada Maamulka K/Galbeed iyo khilaafkii ka taagnaa muddo xileedka Madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Nuxurka heshiiska ayaa noqday in Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen loo ogolaaday muddo kororsigii Sanadka ahaa ee uu doonayey, isla markaana waxaa hal mar laga dhigay Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka maamulka K/Galbeed oo loo asteeyay inay dhacan Novembar 2023 iyo Janaayo 2024.

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen oo guusha xilliga dhow ka gaaray heshiiskan ayaa iyadoo aan lagu heysan sii maamuli doona K/Galbeed muddo 10 bilood ah, balse wuxuu isna u muuqdaa inuusan rajo kale ka qaban kursiga uu sanadki shanaad ku fadhiyo.

Ad

Qodobka ugu weyn ee C/casiis Lafta-gareen ogolaaday, waa kan labaad ee Caddeynaya inuusan wax kaalin ah ku yeelan doonin Doorashada Madaxweynaha K/Galbeedee dhaceysa Janaayo 2024, wuxuuna u qoran yahay sida soo socota:

“Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey Dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.”

Dowladda Federaalka ayaa si toos ah u maamuli doonta doorashada Maamulka K/Galbeed, wuxuuna qodobkan ahaa mid ay dalbadeen siyaasiyiinta Mucaaradka K/Galbeed oo aan wax kalsooni ah ku qabanin maamulka Lafta-gareen oo isna qodobkan dhaafsaday inuu xilka sii joogo.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka inay la wreegto maamulka Doorashada K/Galbeed waxay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa siinaysaa inay K/Galbeed awood ah musharax kooxdooda ka tirsan si geystaan xika ugu sareeya maamulka K/Galbeed oo ah Madaxweynaha soo socda.

Heshiiska xalay lagu gaaray Baydhaba wuxuu guul u yahay dadka K/Galbeed oo ka badbaaday qalalaase iyo dagaal lagu sigtay inay ka dhacaan magaalada Baydhaba, halka dhinaca kale madaxda dowladda Federaalka oo qaateen kaalin dhexdhexaadnimo oo heshiisiin.

Siyaasiyiinta Mucaaradka K/Galbeed ee ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen, waxay muujiyeen tanaasulka ugu weyn, iyagoo dhinaca kale aan taageero buuxda ka heysan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON