Sunday, April 27, 2025

Sidee Masjidka Xaramka oo looga diyaar garoobay Tobanka Danbe ee Bisha Ramadaan?

Waxaa Masjidka weyn ee Xaramka magaalada Barakeysan ee Maka Almukarama looga diyaar garoobay Tobanka danbe ee Bisha Ramadaan oo malaayiin Muslimiin ah ay sanadkan u tageen inay ku qaataan dhulka barakeysan.

Afhayeenka Xafiiska Madaxtooyada Sacuudiga ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, Hani Xaydar, ayaa sheegay in loo diyaariyey tobankii dambe ee bisha Ramadaan ee 1444-kii qorshe dhammeystiran.

Wuxuu intaas ku daray in la hawl-gelin lahaa dhammaan awoodda Dowladda Sacuudiha oo u hawl-galeysa xaqiijinta amniga iyo adeegga dadka, iyadoo la adeegsnaayo Qalab hawleed loogu fududaynayo xujeyda Masjidka Xaramka inta lagu gudo jiro gudashada cibaadada iyo salaadaha inay si degan oo xasilooni ku dheehan tahay.

Ad

Masjidka Xaramka ee Maka waxaa buux dhaafiyay dadkii ugu badnaa ee cibaado u taga, tirada dadka cibaadaysanaysa iyo xujayda Cumarada ayaa gaartay in ka badan (950) kun oo qof oo cibaadaysanaya.

Tobankii hore ee Bisha Ramadaan ayuu Masjidka Xaramka marti geliyay ilaa 9 Milyan oo qof waxaana maalin lin walba tan iyo bilawgii bisha Ramadaan tegaya dad cusub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON