Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay Gacanta kusoo dhigtay Horjooge sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo gacanyare iyo kaaliye u ahaa Amiirka kooxdaasi Axmed Abuu Cubeyda.
Qoraal ay faafisay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa sheegtay in la qabtay Horjooge Muxudiin Daqare oo muddo dheer lagu raad joogay, isagoo ku dhuumaaleysanayey magaalada Muqdisho.
Horjoogahan Sare ayaa la sheegay inuu ka soo hawlgalay goballada Mudug, Galgaduud Baay iyo Sh/Hoose, haddana uu ka mid ahaa Gacan-yarayaasha Amiirka Alshabaab Axmed Diiriye.
Lama oga sida uu horjoogahan ugu sugnaa gudaha magaalada Muqdisho iyo qaabka uu uga howlgeli jiray, Sidoo kale Hay’adda NISA ma sheegin sida ay ugu suuragashay inuu Muqdisho ka howlgalo.
Arrintan ayaa caddeyn u tahay in xubnaga sare ee Alshabaab ka tirsan ay caasimadda ku dhuuntaan, kana helaan gabbaad.