Sunday, May 25, 2025

Sidee Madaxweyne Farmaajo uga jawaabay Dhiibistii Qalbi-dhagax..? [Su’aal kale oo ka dhalatay..-AKhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadaly arrinta dhiibistii sarkaalkii ONLF ee Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo muran weyn ka dhaliyay Soomaalida dhexdeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aashan uga jawaabay mid ka mida dhageystayaasha BBC-da isagoo ka qeyb galay barnaamij markii hore toos ahaa, balse loo bedelay mid duuban ka hadlay, waxayna jawaabtiisii noqotay inuu raacsan yahay go’aankii Baarlamaanka ka gaaray Arrinta Qalbi dhagax.

Su’aasha la weydiiyay waxay ahayd: Waxa uu madaxweynaha ka ogyahay dhiibistii Qalbi Dhagax..?, wuxuuna ku jawaabay “Su’aashaasi runtii waa su’aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay’adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go’aan, waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu yahay kama dambeys”.

Ad

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa gebi ahaan ahayd mid aan jawaab u ahayn su’aashii la weydiiyay, isagoo isku furtay go’aan dhowr bilood kadib kasoo baxay Baarlamaanka Federaalka, halkii laga sugayey inuu su’aasha abaaro.

Arrintan ayaa dhalineysa su’aal kale oo ah in Madaxweynaha go’aanada halistah ay ee dowldaiisa qaadato uu isagu gaaro iyo inkale?. waxaana dadka qaarkii ay wareysigii Sanbaloolshe oo ahaa Taliyihii NISA ee xilligaasi ka fahmeen inuu ahaa ninka go’aankaasi qaatay ee dowladda geliyey xaaladd kacsan ee taabatay dadka Soomaaliyeed.

DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON