Friday, May 23, 2025

Sidee loo xiray maxaase lagu heystaa agaasime ku xigeenkii Warbaahinta Goobjoog C/casiis Gurbiye..?

Waxaa maanta barqadii Saldhigga Degmada Hodon ee magaalada Muqdisho looga yeeray Weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan weriyeyaasha iyo maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyadoo kadibna loo sheegay inuu xiran yahay.

Sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha Goobjoog Media Group  Xasan Maxamed Maxamuud waxaa Weriye C/casiis Gurbiye markii uu tegay saldhigga degmada Hodon loo sheegay inuu xiran yahay oo Maxkamad ay soo amartay xarigiisa, balse aan la ogeyn waxa lagu heysto iyo cidda soo dacweysay, wuxuuna dalbaday in lasii daayo ama maxkamad lasoo taago.

Markii uu tegay saldhigga Booliska Hodon ayaa lagu wargeliyey inay dacwad ka taallo, kadibna dood dhex martay saraakiisha Booliska kadib ayaa isla saldhigga lagu xiray, iyadoo warar kale sheegayaan in kadib loo wareejiyey xarunta CID-da.

Ad

Wararka qaar ayaa sheegaya in dacwad ka dhan ay weriyaha uu ku soo oogay xeer ilaalinta Qaranka, waxaana lagu soo eedeeyay Qodobka 220-aad oo ku saabsan aflagaado sharafta iyo Heybadda Qaranka ee Madaxweynaha; laakin ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska Booliska iyo Hay’adaha kale ee dowladda Federaalka.

C/casiis Axmed Gurbiye wuxuu muddooyinkii danbe baraha bulshada ku baahinayey xog ku saabsan cudurka Coronavirus iyo xaaladda isbitaalka Martiini ee dowladdu u diyaarisay in lagula tacaalo dadka qaba cudurka Covid-19, isagoo baahiyey xog badan oo aanay wasaaradda caafimaadka dadka la wadaagin.

Mid ka mida qoralladiisii ugu danbeeyay ayuu ku yiri:

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaatey” ventilator” loogu deeqay Isbitaal Martiini!
Madaxweyne Farmaajo ayaa halkii uu “ventilator” usoo iibin lahaa Martiini ayuuba ka qaatey kuwii deeqda ahaa ay ka heleen Isbitaal Digfeer!
Ogow, waxaa xaqiiq ah in ventilator(mashiin neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) aanu horay u laheyn Martiini, markii deeq ay heleen si bukaankii loo badbaadiyo ka warama haddii Madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiirro iyo xildhibaanno kala qaataan? Yaa u maqan muwaadinka?!
Cabdi Caziz Gurbiye,

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa dalbaday in degdeg loo sii daayo weriye C/casiis Gurbiye, wuxuuna qoraal uu oo diray ku yiri: “Iyadoo aduunku dhani la tacaalayo saameynta uu leeyahay cudurka Covid-19, waxaa ayaan darro ah in xukumaddeenu ay ku mashquulsan tahay caburinta saxaafadda madaxa banaan iyo cid kasta oo xaqiiada soo tabisa. Wariye Abdi Aziz Ahmed Gurbiye waxa uu ka mid yahay wariyayaasha si xirfad leh u guta shaqadooda. Waxa uu ahaa wariyii diiradda saaray halista cudurkaan iyo waliba wacyi galintiisa iyo xogtiisa intaba”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON