Sunday, February 16, 2025

Sidee loo qanciyey Shirkadii ugu horeysay ee ka cabatay Guddiga Xajka ee Wasiir Roobow?

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo bandhigtay sida loo xaliyay cabasho ka timid mid ka mida Shirkadihii ku haray wareegga koowad ee tartanka adeegga Xajka oo wareeggiisa labaad maraya.

Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo egay xarunta Guddiga Tartanka Aadeegga Xajka ayaa sheegay inuu halkaasi geeyay Mid ka mida dadkii cabashada qabay oo uu metelo, kaasoo lahaa shirkad tartanka laga reebay, kaasoo lagu magacaabo Xaaji Xuseen Dheere, horeba uga soo shaqeeyay arrimaha Xajka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga iyo Xaajiga ku qanceen sida uu ku haray oo ahaa Qodobka 12-aad, wuxuuna bogaadiyey qaabka ay shaqada u wadaan Guddiga, wuxuuna caddeeyay in gacan aamin ah uu ku jiro arrimaha Xajka.

Ad

Dood badan ayaa ka timid shirkadaha ku haray wareegga koowaad ee tartanka u adeegida Xujeyda Soomaaliyeed, waxaana kooxd Ahlu Suna ay sheegtay inay xiriirka u jartay Wasiir Mukhtaar Roobow arirmahan dartood.

https://fb.watch/jtiY7jyWon/
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON