Taliyihii Ururka 3aad ee Daraawiishta Booliiska Soomaaliya iyo Taliyihii Daraawiishta Gobolka Sh/Dhexe L/Xiddigle Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe) ayaa saaka lagu dilay degaanka Xaaji Calo, degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe.
Dilka taliyaha ayaa yimid kadib isku dhex maray ciidamo uu watay iyo maleeshiyo beeleed abaabulan, waxaan sidoo kale is rasaaseynta ku dhintay 3 qof oo kale, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 kale.
Taliyaha ciidamada uu wato ayaa tegay Tuulada Cali Bariise ee Degaamka Xaaji Cali, si uu xal ugu helo Dil xalay loo geystay Nin oday ahaa, balse waxay isku dhaceen maleeshiyada Beesha oo huheysnaa taasoo keentay inay is rasaaseyn goobta ka dhacdo.
Ciidamada Daraawiishta ayaa degmada Cadalle u tegay xalinta dagaal beeleed muddo badan soo noqnoqday, kaasoo qaboobay muddooyinkii danbe, balse mar kale dib u qarxay oo hadda galaaftay taliye Juuqlaawe.