Telefishanka Al-jazeera ayaa shaaciyey in wariyaheedii ku sugnaa dhulka la haysto ee Falastiin, Shireen Abu Caqleh, ay ku geeriyootay subaxnimadii maanta oo Arbaca ah, ka dib markii ciidamada Yuhuudda ay toogteen xilli ay soo tebinaysay duulaanka magaalada Jenin.
“Dil naxdin leh oo ka hor imaanaya qawaaniinta caalamiga ah iyo xeerarka caalamiga ah, ciidamada gumeysiga Israa’iil ayaa si ula kac ah u dilay weriyaheena Shireen Abu Aqleh”. ayaa lagu yiri War kasoo baxya Aljazeera.
Shabakadda ayaa cambaareysay “dambiyada foosha xun ee la doonayo in looga hortago in warbaahinta ay fuliso fariinteeda” waxayna ku edeeysay in Dowladda Israa’iil iyo ciidamada heysta dhulka Falastiin ay mas’uul ka yihiin dilka wariye Shireen.
Farriintii u dambaysay ee uu Marxuum Shireen Abu Caqleex u dirtay xafiiska Al-jazeera 6-dii aroornimo, waxay ku tidhi, “Ciidankii qabsaday Jenin ayaa weerar ku qaaday Jenin, waxayna go’doomiyeen guri ku yaalla deegaanka Jabriyad… Markii aan halkaa gaaro, ayaan war idinka siin doonaa marka uu xaaladda kala caddaato”
Muddo kadib waxaa warkii noqday in Weriye Sherin Abu Caaqila u geeriyooday rasaastii haleeshay oo ay ku fureen ciidamada Yuhuudda maanta oo Arbaca ah 11-ka May”.
Sheriin Abuu Caaqila, waxaa haleeshay rasaas nool oo kaga dhacday dhegta hoose, taasoo keentay in isla markiiba ay geeriyooto.







