Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku dishay Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Beledweyne Cabdi Sahal Shuuriye Xuseen.
Falka Dilka ah ayaa ka dhacay Xaafada Xaawa taako ee Magaalada Beledweyne, waxaana geystay koox burcad ah oo la sheegay inay doonayeen inay telefoono Mobile ah ka dhacaan Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Beledweyne iyo Wiil uu Abti u yahay oo xilligaas la socday.
Dilka Mas’uulkan Cabdi Sahal Shuuriye oo ahaa Nin dhalinyaro ayaa saameyn ku yeeshay magaalada Beledweyne, waxaana baraha bulshada si weyn loogu baahiyay tacsi loo diary.