Friday, March 21, 2025

Sidee lagu helayaa Natiijada Imtixaanka Dowladdda ee Sanadkan.? [Ogow Qaabka cusub]

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay arrin ku cusub natiijada imtixaanka ee sanadkan, iyadoo la sameeyay qaab arday kasta ku ogaan karo natiijadiisa.

Wasaaradda ayaa sheegtay inuu jiri dooo Website loogu talogalay inay Ardayda ka helaan Natiijada imtixaankooda, kaasoo arday kasta uu si gaara uga heli karo natiijadiisa, isagoo kaligiis ahnauu arki doono, wuxuuna isticmaalayaa Roll lambarkiisa u ku galay imtixaanka.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay shaacineyso goor dhow WEBSITE-KA laga helayo natiijada imtixaanka dowladda ee sanadkan, iyadoo ardayda sugeysa natiijada imtixaanka ku wargelisay inaan la jahwareerin.

Ad

Labada website ee wasaaradda waxbarashada [www.moe.gov.so / . http://www.moesomalia.net] ayaa hadda u muuqda inaysan shaqeyneynin, waxaase la sugayaa WEBSITE-ka natiijada imtixaanka ee wasaaraddu sheegtay in arday kasta uu ka helayo si toos ah natiijadiisa. Telefishanka Dowladda ayaa goor dhow bilaabaya barnaamij ku saabsan natiijada imtixaanka Dowladda ee dugsiyada Sare.

WEBSITE-KA IMTIXAANKA WAA:

SONEB.GOV.SO

Website-ka natiijada imtixaanka ayaa u muuqda inuusan shaqeyneynin, iyadoo ay ugu wacan tahay cilad ka timid baaxadiisa oo yar iyo dadka booqanaya oo kala batay, taasoo ka timid inaysan wasaaraddu lahayn servero waaweyn iyo dad howshaas ku takhasusay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON