Friday, October 11, 2024

Sidee lagu ansixiyay Heshiiskii Milatari ee Somaliya iyo Turkiga? (Kulan xiran iyo akhrin la’aan)

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowlada Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo si degdega lagu ansixiyay.

Kulanka ayaa markii hore ahaa khudbad jeedin uu dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga dhigay mid xiran oo saxaafadda dibadda looga saaray ayaa markii uu Madaxweynaha xildhibaannada u faahfaahiyay heshiiska, kadib lagu ansixiyay heshiiskaasi.

Baarlamaanka ayaa shaaciyay in kulanka oo ay fadhiyeen 216 ay ogolaadeen 213 mudane oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana diiday 3 mudane sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Ad

Ma jirin qoraal loo qeybiyay xildhibaannada oo ku saabsan Heshiiska Somaliya iyo Turkiga, iyadoo si aan hore loo arag ay xildhibaannada u ansixiyeen heshiiska, taasoo ka baxsan xeerka Baarlamaanku ku dhaqmo.

Qaar ka mida xildhibaannada ayaa su’aal ka keenay qaabka ansixinta heshiiskaasi inuusan sharci ahayn, halka qaar kale ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin heshiiska, Turkiguna ilaalin doono baddeena, muddo 10 sano ahna lagu diyaariyo ciidamada Badda Soomaaliya, iyadoo uu ku dhex jiro Kalluumeysiga TUNA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON