Waxaa fashilmay saxiixa heshiis ay dowladda Soomaaliya la saxiixan lahayd laba shirkadooda oo Shidaalka qaabilsan, iyadoo xafladii lagu saxiixi lahaa la diyaariyey 4-tii bishan Janaayo 2021.
Qeylo dhaan badan oo ka timid musharixiinta Mucaaradka, Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo gaartay Wakiilada Beesha Caalamka, Shirkadaha loo saxiixi lahaa heshiiska iyo Hay’adaha Bankiga Adduunka/ Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa sababay in saxiixa heshiiska la joojiyo, kadib culeysyo badan oo ku yimid.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa wajahay cadaadis xoog leh oo ku saabsan xilliga uu kusoo beegmay saxiixa, iyadoo arrintan ay walaac ka muujiyeen Hay’adaha IMF iyo World Bank, lana tilmaamay inay dhibaato ku keeni karto masharuucii geedi socodka deyn cafinta.
Labada shirkadood ee heshiiska loo saxiixi lahaa oo kala ah: Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration ayaan ahayn shirkado waaweyn, balse waxay heshiisyo kale kasii iibinayaan shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah, waxaana markii hore saxiixu dhici lahaa Bisha April 2021, taasoo looga soo hormaiyey si shaki dhalisay.
Madaxweyne Farmaajo oo arrintan si weyn u riixayey ayaa degdeg u sameeyay Guddiga Batroolka oo xukuumadii xilka sii heysay ay dhistay, waxaana arrinta saxiixa heshiisyada soo diyaariyey Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed oo magaca dowladda Soomaaliya ku saxiixi lahaa.
Musharixiinta Madaxweynaha ayaa qoraallo badan u diray wakiilada Beesha Caalamka iyo shirkadaha caalamiga ah, iyagoo ka digay in heshiiskaasi lala galo dowladda Soomaaliya xilli doorasho oo lacagta dowladda ka heleyso loo adeegsan karo ololaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo, iyadoo xogtu sheegeyso in lacagaha lagu kala qaadan lahaa saxiixa heshiis ay gaarayaan 12- ilaa 20 Milyan Dollar.
