Saturday, April 26, 2025

Sidee Isimada Dhulbahante u xaliyeen Khilaafkii ka taagnaa Doorashada Puntland..?

Xiisadii ka dhalatay Doorashada maamulka Puntland ayaa xal KMG ah laga gaaray kadib markii ay waanwaan ka galeen odayaasha Dhaqanka ee Beesha Dhulbahante ee SSC.

Qaar ka mida Garaadada SSC ayaa magaalada Qardho kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, waxay sidoo kale la kulmeen siyaasiyiinta Mucaaradka, waxayna dhaaciyeen inay xaaladda kusoo baxeen markii iska hor imaadka ka dhacay Magaalada Garowe.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in wixii dhex maray Beesha Ciise Maxamuud iyo Xukuumadda Puntland ay dhex galeen, kadibna ay u safreen inay arkaan Madaxweynaha Puntland, iyagoo gaaray xalka looga gudi karo khilaafka Doorashada.

Ad

Wuxuu intaas ku daray in arrinta Doorashada Golayaasha Degaanka aan khilaaf badan ka jirin, balse Doorashada Madaxweynaha ee 8-da Janaayo ay madaxweynaha isla garteen in talo la isaga yimaado, loona gudbi doono talada labaad ee Doorashada, iyadoo uu la qaatay Siciid C/llaahi Deni.

Garaadadda SSC ayaa sheegay inay. la wareegeen xalka khilaafkii Doorashada, isla markaana ay qaban doonaan shirweyne, marka ay dhammaato Doorashada Golayaasha Degaanka, ayna u taallo dhaqanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON