Monday, February 10, 2025

Sidee Guddoomiye Jawaari u maareeyay Su’aalo weydiintii C/kariin Guuleed 2014 [Daawo]

Xildhibaannada Baarlamaankii 9aad ayaa u yeeray wasiirka Amniga ee dowladii Xasan Sheekh, kaasoo ahaa C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo loo soo Gole joojiyey in su’aalo laga weydiiyo xaaladda amniga, kadib markii Alshabaab ay weerarreen Villa Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee xiligaasi Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maareeyay kulankaasi iyadoo codsi ah in qarsoodi noqdo Baarlamaanka oo saxaafadda laga saaray cod loo qaaday, ayna diideen xildhibaanadii Baarlamaanka ee xilligaasi.

Kadib markii kulankii maanta ee su’aalo weydiinta hay’adaha Amniga buuq iyo fashil ku dhammaaday ayuu wasiirkii hore ee Amniga C/kariin Xuseen Guuleed faahfaahin ka bixiyey wixii kala qabsaday isaga iyo Baarlamaankii 9aad.

“Waxay aheyd 27 April 2014-kii kol aan su,aalo waydiin u hortagay Baarlamaanka Fedaraalka, anigoo ahaa xiligaas wasiirka Amniga Qaranka waxayna xildhibaanadu halkaa igu waydiiyeen mudo labo cisho oo is xigta ilaa 138 su,aal. Su’aalaha la i waydiinayey waxay ahaayeen xog amni oo xasaasi ah, waxaan codsaday in kulanku noqdo” KULAN AY ALBAABADU U XIRAN YIHIIN” oo saxaafaddu ay dibadda ka joogto, laakiin Baarlamaanku wuu ku gacan seyray codsigeygii kadib kolkii gudoonku uu cod galiyey. Runtii anigoo u hogaansamaya go’aanka Barlamaanka waxaan ku qasbanaaday inaan uga jawaabo su’aalihii sidii ugu macquulsaneyd…”

C/kariin Xuseen Guuleed
Ad

HOOS KA DAAWO SIDI AY U DHACDAY DOODA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON