Saturday, January 25, 2025

Sidee Golaha Wasiirada Soomaaliya u ansixiyaan Sharciyada la hor geeyo? [XOG LA HELAY]

Kadib  muranka ka dhashay xeerka Siyaasadda Qaran ee Jinsiga waxay dad badan is weydiinayaan su’aal ka dhalatay sida sharciyo noocan oo kale ah u ansixiyeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Baaritaan iyo xuuraan ay Goobjooge.com ka dhex sameysay Golaha wasiirada waxay ku soo ogaatay arrimaha soo socda:

  1. Golaha Wasiirada ma akhriyaan sharciyada iyo xeerarka la hor geeyo, ee waxaa la fiiriyaa hadba wasiirka markaas sharciga ama xeerka wata iyo sida uu saaxiibo ugu leeyahay wasiirada, kadibna waa la ansixiyaa iyadoo aan waxba la iska weydiin.

  2. Golaha Wasiirada suuragal kama ah inay ka hor yimaadaan sharciyo, magacaabid ama arrimo uu wato Ra’iisal  wasaaraha iyo cidda markaas shir guddoonka ah, lagamana jawaabo haddiiba ay su’aalo ka dhashaan, waxaase lagu marsiiyaa horta ansixiya kadib ayaa la saxayaa.

  3. Golaha Wasiirada safiirada ay ansixiyaan ma jiro safiir kaliya oo wata safaaradda loo magacaabay, balse, safiir ahaan ayaa duuduub loogu ansixiyaa magaca safaaradda loo dhiibi doona waxaa kaliya isla og Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo ku heshiiya.

  4. Haddii ay dhacdo in wasiir dood kulul ka keeno sharci iyo qorshe wasiir kale wato, waxaa isla markiiba loo fasiraa inuu lid ku yahay wasiirka qorshaha wata ama ay arrin gaara u dhaxeyso, mararka qaarkoodna waxaa arrinta loo bedelaa qabiil, taasoo keenta inaysan cidna dood isku furin.

  5. Mararka qaarkood arrimaha masiiriga ah waxaa la sheegaa inay madaxweynaha ka timid oo aan laga hadli karin, wasiiradu waxay u baqaan  xafiisyadooda. (Xaaladan waxay dhacday wax ka bedelkii lagu yareeyay mushaarka shaqaalaha dowladda, oo markaas la ballan qaaday in bil waliba la heli doono mushaarka, shirka golaha wasiirada waxaa xilligaasi tegay madaxweynaha).

Xaqiiqooyinka aan sare ku soo sheegnay waxay ahaayeen kuwo ka dhex jira Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo dhexdooda ay la yaab ka tahay in laga doodo heshiisyada, sharciyada iyo qorshayaasha la hor geeyo, wasiir kastana sida wasiir kasta u heysto inuu isagu leeyahay wixii uu golaha la tago oo aan laga taaban karin.

Ad

Tani waxay keentay inay soo baxaan khaladaad fara badan iyo ku takri fal awoodeed oo inteeda badan gashan shaar qabiil iyo mid awoodda madaxda sare.

GOOBJOOGE EXCLUSIVE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON