Dowladda Soomaaliya ayaa maanta hor istaagay safar uu magaalada Kismaayo ugu sii jeeday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan xisbigiisa oo ka yimid dalka Turkiga.
Safarkan ayaa la diyaariyey intii Sheekh Shariif iyo xubnaha la socday ay ku sugnaayeen dalka Turkiga ayaa loo qorsheeyay in wax yar uu wafdiga ku sugnaato Garoonka Muqdisho, kadib marka ay diyaaradda Turkish Airline ka dejiyo garoonka, kadibna ay diyaarad kale isla markiiba u raacaan magaalada Kismaayo, qorshahaas oo ay ka war heleen ciidamada sirdoonka iyo howlwadeennada Garoonka.
Markii Sheekh Shariif iyo xubnihii la socday ay garoonka Muqdisho joogeen wax yar, oo ay isu diyaariyeen inay raacaan diyaaradii ku socotay magaalada Kismaayo ayaa amar lagu siiyey diyaaradda uu raaci lahaa inaysan u socdaalki karin magaalada Kismaayo. Rakaabkii diyaaradda ayaa laga dejiyey, waxaana muddo kadib garoonka isaga tegay Sheekh Shariif iyo xubnihii la socday oo aysan u qorheysneyn inay Muqdisho joogaan.
Guddoomiyaha Xisbiga Himilo ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif oo lagu magacaabo Salaabeen Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa xubnaha la socday Sheekh Shariif ayaa xaqiijiyey in ay la xiriireen madaxda dowladda oo ay waayeen qof ay kala hadlaan arrimaha lagu celiyey diyaaradii ay qaadi lahayd. Wuxuna kashifay in amarkan la filayey in la soo saaro 23-ka bisha, balse loo soo hormariyey iyaga dartood.
Dowlada Somalia ayaa maanta amar ku siiyey diyaaradaha tegaya magaalada Kismaayo inay 24 saacadood ka hor fasax soo weydiistaan Hay”adda duuliska hawada, waxaana
Madaxdii hore ee Soomaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda ayaa dadaal ugu jiray inay ka qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ay sharci darro ka dhigtay doorashadaasi.