Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa soo saartay war ay ku sheegtay inay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ku qabatay gaari siday walxaha qarxa, lana toogtay ninkii Gaariga waday.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu yiri: “Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan deegaanka Ceelasha-Biyaha ayaa gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa, waxaana la dilay darawalkii waday kadib markii uu isku dayay inuu baxsado.”
Hay’adda NISA ma sheegin faahfaahin kale oo ku saabsan ninka la toogtay, halka uu ka yimid, iyo haddii uu hubeysnaa, waxayse faafiday sawirrada Gaariga iyo waxyaabo qarxa.
“NISA waxaa ka go’an ka hortagga iyo fashilinta dhammaan qorshayaasha ay argagixisadu isku dayaan inay dadka ku dhibaateeyaan.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka NISA.