Iyadoo aanu weli soo bixin baaritaanka rasmiga ah ee lagu sameeynayo Diyaaradeed Shirkadda African Express ee lagu soo riday Magaalada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxaa la helay faahfaahin ku saabsan sida loo soo riday diyaaradaasi.
Sida uu Idaacadda VOA u sheegay qof goobjooge ahaa waxaa diyaaradda xilligii ay ku degi lahayd Garoonka Berdaalke ay aragtay Gaari uu saaran yahay qoriga ZUU, kaasoo dhabaha diyaaradaha yaalla, kadibna markii ay sare u kacday shan xabbadood ayuu ku riday diyaarada oo 4 ka mida ay ku dhacday, taasoo keentay inay dhacdo diyaaradda.
Askariga Qoriga Zuu-ga ah ku riday diyaaradda ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee aan ka mid ahayn AMISOM, wuxuuna ku jiray ciidamo 20 maalmood oo kaliya joogay Berdaale, halkaasina ku cusbaa.
Shilkan oo xaalad adag abuuray ayaa waxaa ka wadahadlay madaxda dalalka Itoobiya, Somalia iyo Kenya, iyadoo ay ku dhinteen lix qof oo 4 Kenyan yihiin iyo Laba Somali ah.

HOOS KA DHAGEYSO