Weerarkii Ashabaab ku qaaday xarunta maamulka Gobolka banadie ee magaalaad Muqdisho ayaa lasoo afjaray maqribnimadii caawa, kadib shan saacadood dagaal ka dhex socday dableydii Alshabaab iyo cidimada amniga.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shegeay in ciidamada Amniga ay xarunta ka fuliyeen hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta iyo Qaybta labaad ee hawlgalka oo ciidamada soo afjareen maleeshiyaadkii Khawaarijta.
Waxaa xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee weerarku ka dhcaay ciidamada Amniga ku toogteen maleeshiyadii Alshabaabo oo ka koobnaa 6 Dabley ah. Dowladda aya asheegtay inay werarka ku dhinteen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ee xarunta galay ay halkaas yimaadeen iyagoo lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka, kadibna ay gudaha u galeen. Sidoo kale mid ka mida qaraxyada waxaa geystay qof is-miidamiye ahaa oo socday.
Dadka dhintay waxaa ka mida Agaasimihii waaxda Dadka baahiyaha gaarka ah ee gobolka Banaadir. Weeerarka Alshabaab ayaa Duhurnimadii ku bilowday qaraxyo, waxaana masuuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab.
Xarunta Gobolka Benaadir, waxay sidoo kale Alshabaab Qarax ku weerareen 24-kii July, 2019, qraxaasm oo lagu dhaawacay guddoomiyihii gobolka iyo duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yarisow) oo maalmo yar kadib u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
