Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalladii kasoo yeeray Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihii Soomaaliya ee ku saabsanaa Puntland iyo Doorashada qof iyo codka ah ee ka socota.
Deni oo magaalada Gaalkacyo kula hadlayey dadweyne isu soo baxay ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Federaalka ay ku ogaayeen inuu Fedealaalka diidan yahay, balse uu hadda ku darsaday inuu Dimoqraadiyadii diido.
Madaxweynaha Puntland ayaa jawaab culus siiyey Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo ku tilmaamay inuu yahay xoghaye Madaxweyne, awoodiisiina uu qaatay Madaxweynaha, isla markaana aanu jirin cid uu metelo.
"Xoghaynta Madaxweynaha ee hadda sheegta Ra'iisal Wasaaraha, fariinta uu ka soo faray waan maqalnay, waa xoghaye wuxuu leeyahay shaqaale dhalinyaro ah baa loo diiday, Shaqadiisii ayaa la qaatay, waxaa markii ugu horeysay la abuuray Ergo la mida Cabinet, muxuu cid shaqo siiyaa isagaaba shaqaale ahe oo shaqadiisii laga qaataye" ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni
Siciid Deni wuxuu sheegay inuu difaacayo Puntland, wax kastoo dhaca, isla markaana ay beenin doonaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo inuu fashiliyo Doorashada Puntland.
Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inay is ogyihiin Madaxweynaha Somaliland : “Muuse Biixi warkii uu ka yiri Baarlamaanka, isaga iyo Xasan Sheekh waa isla og yihiin… Laascaanood qarsan mayno waa difaacaynaa waana xoreynaynaa”.