Maamul goboleedka Puntland ayaa difaacay heshiiska iskaashi ee dhex maray dowladda Itoobiya, waxayna ku gacan sayreen go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xirayo Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha Maamulkaasi Siciid C/llaahi Deni oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in tallaabada Dowladda Soomaaliya aysan quseyn Puntland, ayna xaq u leedahay inay u dhaqanto sida dowlad madax bannaan.
“…Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer oo ku salaysan dhaqan-dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Siciid Deni Puntland ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku eedeysay inay laashay “Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya”, isla markaana Go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya 4ta April 2024, uu ku salaysnaa cadaawad, xin iyo hagardaameyn ta Puntland.
Qoraalka Madaxtooyada Puntland waxaa lagu soo gabagabeeyay; “Hadaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garoowe aanu khusayn Puntland.”