Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay dalka ku wado wadaddii dowladii Kacaanka ee Jen. Maxamed Siyaad Barre.
Deni oo xalay ka hadlay xafladda ka dhacday magaalada Garowe oo ku saasbaneyd sanadguuradii Afraad ee markii uu talada Puntland qabtay ayaa sheegay inay Puntland ka hor timid laba qodob oo ka mida heshiiskii Madasha Qaran ee dhowaan ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland ayaa dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ku eedeeyey in ay dalka ku celinayso xilligii dowladii Kacaanka, wuxuuna difaacay sida Puntland u diiday habka kala-sarreynta dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.
“Labada Qodob oo aan diidnay waa weeye: Habka garsoorka oo aan rabno mid madax bannaan, waxaa meesha la keenay wax aan suuragal ahayn inay Puntland aqbasho iyo Habka maamulka dowladda heer federaal iyo heer State loo qeybinayo oo kasoo horjeeday Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka, waxaa meeshaas kasoo baxday qorshe u eg in mar labaad dalka di loogu celinayo inuu Central noqdo” ayuu yiri Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni
Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaraya go’aanka diidmada rasmiga ah ee ay ka qaateen qodobadii kasoo baxay Shirkii madasha Qaran oo ay dideen inay saxiixaan labada qodob iyo qaabka ay ula shaqeyn doonto dowladda Federaalka.