Tuesday, May 20, 2025

Siciid Deni oo Wakiilka Q/Midoobay u sheegay Dastuurka ay ku dhaqmayaan xilligan

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta Madaxtooyada ee Garowe kula kulmay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Kulankan oo yimid kadib Go’aankii ay Puntland xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka, ayuu Siciid Deni sheegay in go’aankii ay xalay soo saareen golaha wasiirda Puntland ay ku dhaqmi doonaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu caddeeyay inay Puntland ku dhaqmi doonto Dastuurkii 2012 la ansixiyay, kuna socon doonto, balse aysan aqoonsaneyn wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka cusub.

Ad

Catriona Laing ayaa sheegtay in arrimaha ay ka wadahadleen Siciid Deni ay ka mid ahayd arrinta Dastuurka ee shalay qeybo ka mida ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka, isla markaana ay arkeen Qoraalka kasoo baxay Puntland, waxayna Maamulka Puntland ku boorisay inay wadahadal la galaan dowladda Federaalka, lagana shaqeeyo sida Dastuurka u noqon lahaa mid laga wada qeyb galo.

Socdaalka Wakiilka Q/Midoobay ee Garowe oo ahaa mid hore u qorsheysan ayaa sidoo kale looga wadahadlay xaaladda bani’aadantinimo iyo is-kaashaasiga Qaramada Midoobey iyo Puntland

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON