Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa Wareegto uu Goor dhoweyd soo saaray xilalkii uga qaaday Wasiirkii Amniga iyo Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Gudaha maamulka Puntland.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 26, oo soo baxay 17 June 2023, Kusoo saaray xil ka qaadista labad mas’uul oo sabab looga dhigay xil gudasho la’aan, waxayna Wareegtadu u qorneyd sidatan:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda, Wuxuu xeeriyey:
Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:
1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Madaxweyne Siciid Deni ayaan weli soo magacaabin mas’uuliyiintii bedeli lahayd xubnaha xillalkii uu ka qaadya, waxayna arrintan imaaneysa xilli xasaasi ah oo Puntalnd ay ku jirto xaalad kala guur ah.