Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay xaaladda Laascaanood, isagoo si weyn u dhaliilay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u wajahday colaadda ka oogan magaalada Laascaanood.
Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Garowe ayuu sheegay in Dowladda Federaalka ay gabtay mas’uuliyaddii ka saarneyd Gobolka Sool, isla markaana aysan u dhaqmin sida Dowlad Soomaaliyeed.
“Iyadoo dhiig dhacayo oo dadkii la leynayo hadalkeeda ugu horeeya wuxuu ahaa siday dhiigga u joojin lahayd oo Nabadda u sugi lahayd.. inay tiraahdo Xaaladda Somaliland ayaan ergay u magacaabeynaa arrin Dowladda Soomaaliya sax ku ah ma ahayn” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Siciid Deni ayaa ku celceliyay in degaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan ka mid ahayn Somailand, wuxuuna kula taliyay dowladda Federaalka inaan waqti la isaga lumin Somaliland inta ay xoog ku sheeganeyso degaanadaasi.
Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa xumaaday markii maamulka Siciid Deni uu Bishii Janaayo 2023 qaatay go’aan uu ku sheegay inuu u dhaqmayo sidii dowlad Madax bannaan oo xiriirkii u jaray dowladda Federaalka.