Monday, February 17, 2025

Siciid Deni oo lagu arkay Nairobi, kadib muddo 2 Bilood oo lagu weysanaa Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib ku dhowaad muddo laba bilood ah oo uu ka maqnaa degaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa 50 maalmood ka maqna Puntland, waxaana marki ugu horeysay uu socdaal qarsoodi ah ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo si joogto ah uu u tago.

Muddo xileedka Siciid Deni ayaa waxaa ka harsan mudod 3 bilood ah, iyadoo aan lagu heshiin qaabka doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, taasoo keentay in welwel laga muujiyo qalalaase ka dhaca Puntland xilli uu socoto qorshe muddo kordhin.

Ad

Tegista Madaxweynaha Puntland ee magaalada Nairobi ayaa soo afjartay wararkii la isla dhex marayay ee ku saabsanaa maqnaashaha Siciid Deni oo xiriir gaara la leh dowladda imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale waxaa magaalada Nairobi xilligan ku sugan Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Lafta-gareen oo labaduba wajahaya doorashooyin ay dooayaan inay dib ugu soo laabtaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON