Wednesday, February 19, 2025

Siciid Deni oo Khudbad Nabad-doon ah jeediyey. “Haddii ay Amarkeyga tahay wixii dhacay ma dhaceen..”

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa khudbad Sulux ah oo xal raadin ah ka jeediyey magaalada Garowe, isagoo ka hadlay xaalad magaallada Boosaaso iyo xaaladaha ku xeeran.

Deni wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay wixii ka dhacay magaalada Boosaaso isla markaana ay ahayd taariikh qormeysa in Hoobiyeyaal lagu garaaco magaaladii ugu muhiimsaneyd Puntland.

“Waxaan ka xumahay dhaqanka oo dadnimada iyo dowladnimada u fiicneyn oo agaasimihii hore ee PSF xilka inuu wareejiyo ku diiday oo arrinta maanta dhacday sabab u ahayd” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ad

Wuxuu sheegay in laga hor yimid isbedelka xilka oo ah khiyaano qaran, ayna xeeriyeen xalaadda, iyagoo 20 Beri ka badan sugayey inay fusho xil ka qaadista, kuna taagneyd talo kasta oo aan wax u dhimeyn nidaamka iyo dastuurka.

“Waxaa aad looga shaqeeyay inuusan hirgelin sababo aan sax ahayn, waxaa arrintaas ka dhashay in ciidamadii dowladda oo sugaya ammaanka in weerar lagu qaaday, waxaa weerarkaasi waxaa ka dhashay dagaal.. Waxaa nasiibdarro ah in hoobiyeyaal magaalda loo qeybiyay iyadoo aan qiil loo haynin, ciidamadii is hor fadhiyey laguma ridin, fasiraad ayay u baahan tahay sababta Hoobiyeyaasha magaalada.” ayuu yiri Siciid Deni.

“Puntland waa dowlad 23 sano jirsatay oo ka mida dowladda federaalka… coddowga ay maanta lahayd Puntland si isku mid ayye u diaafceysay .. Dadka Puntland waxay ku nool yihiin barwaaqo sooran marka Soomaaliya loo fiiriyo.. Puntalnd maanta lagama fileyn in tano kale ay dhacdo. wixii dhacay waa dhaceen, qadar ayey ku dhaceen taladeena kuma dhicin, waxaan ugu baaqayaa in arrintaas la daba qabto”

- Advertisement -

“Maxamuud Diyaano waan u naseexeynayaa.. Haddii qof waliba yiraahdo meesha aan ka shaqeeyo haddii la iga bedelo anigaa qaadayana, waxaan rejeynayaa anoo rabin inaan hoos u daadego, maanta iska eedeyneyno… Ciidamada Gadoodsan ee Agaasimihii hore waxaan u ballanqaadayaa inaysan jirin cid dagaal ugu socota. waxaan qaadan doonnaa xal kasta oo ay keenaan Waxgaradka iyo Isimada, ayna qabtaan cidda khaldan.. Haddii ay amarkeyga qaadan lahaayeen wixii dhacay ma dhaceen…” ayuu yiri Deni

Wuxuu ku celceliyay in isla xisaabtanku danbeyn doonno, isla markaana ay jiri doonto baaritaan, laakiin uu xaqiiqda doonayn inuu sheego. “Waxaan ka baqayaa in dadka xalka ku jira inay caqabad ku noqoto. Waxaan rabaa inaan waqti siino. waxaan qaadeyneynaa xal kasta oo dowladnimada ku dhisan..”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON