Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka noqday Doorashadii ‘Qof iyo Cod’ ee uu in mudo ah ku adkeysanayey, taasoo xiisad siyaasadeed iyo qalalaase dagaal ka abuurtay Puntland.
Siciid C/llaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay in Doorashada Puntland ay dhaceyso xilligeedii caadiga ahaa ee 8 Jan 2024, isla markaana loo mari doono qaabkii nidaamkii Beelaha ee 66-ka Xildhibaan ay soo xuli jiraan Odayaasha, kuwaas oo doorta Madaxweynaha Puntland.
Go’aankan lama filaan ka ah ee Siciid Deni ayaa yimid, markii inta badan Odayaasha Beelaha Puntland oo ay ugu danbeeyeen kuwa kasoo jeeda Khaatumo ay ku taliyeen in Doorashada Puntland sidii hore ku socoto.
Sanad is jiid jiid ah iyo iska hor imaadyo hubeysan kadib Puntland ayaa muddo Bil uun ka harsan tahay geli doonta Doorashada Xildhibaannada iyo Madaxweynaha maamulkaasi.