Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa saxiixay wax ka beddelka lagu meeyay Dastuurka Puntland.
Saxiixa ayaa ugu danbeeyay hannaanka wax ka bedelka Dastuurka Puntland oo sharci noqonaya wixii hadda ka danbeeya, iyadoo siyaasiyiin badan iyo beelaha qaar ay diidan yihiin arrintan.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xeer ku soo Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowladda Puntland.
Wareegtada ayaa u qorneyd:
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 16-aad iyo Qodobka 139-aad.
Markuu arkay: Ansixinta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Summadeedu tahay XGGW/DPL/41/2022, kuna taariikhaysan 26-ka July 2023.
Wuxuu soo saaray
Sharciga soo socda:
Qodobka 1aad
Golaha Wakiiladu waxay ansixiyeen Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowadda Puntland.
Qodobka 2aad
Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda
Qodobka 3aad
Dhaqangal Sharcigani wuxuu noqonayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda Puntland, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu, sidoo kale waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.