Waxaa goor dhoweyd soo dhammaaday wareegii saddexaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland oo ay isugu hareen Madaxweynihii hore Siciid C/llaahi Deni iyo Dr. Guuleed Saalax Barre.
Wareegii saddexaad oo lagu kala baxayey cod hal dheeri ah waxaa sidii la filayay ku hormaray Siciid C/llaahi Deni, waxayna natiijadii noqotay inuu mar kale ku guuleysto Doorashada Madaxweynaha Puntland.
1- Siciid C/llaahi Deni oo helay: 45 Cod
2- Iyo Dr. Guuleed Saalax Barre oo helay: 21 Cod
Waxaa sidaasi xilka madaxweynaha Puntland ku guuleystay oo markale Madaxweynaha Puntland muddo 5 sano loo doortay Siciid C/llaahi Deni.