Tuesday, December 10, 2024

Shuruud lagu xiray Meydadka laga saarayo Qabuurihii Dugsiga Booliska iyo xaalad ka taagan

Xaalad kacsan ayaa saaka ka taagan Qabuuraha Dugsiga Booliska ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladda Federaalka amar ku bixisay shalay in muddo 10 maalmood ah meydadka looga saaro Qabuurahaasi.

Dad sheegay inay meydad uga aasan yihiin Qabuuraha oo doonayay inay la baxaan ayaa ciidamada Booliska ka dalbadeen inay warqad fasax ah kasoo qaataan Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kale dad kale oo iyagana sheeganaya inay meydad ehelkooda ah uga jiraan halkaasi ayaa ku dooday inaysan garaneyn goobta ay ku aasan yihiin.

Booliska ayaa dhinaca kale diiday in Qabuuraha wax sawiro ah laga qaado ama saxafiyiinta ay galaan goobtaasi, waxaana gebi ahaan xaaladu isu bedeshay jahawareer ka dhashay qaabka loo maray maamulka arrintan.

Ad

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhulkan loogu baahday si looga dhiso Xarun ay yeelanayaan ciidamada Badda ayaa shalay adeegsaday mas’uuliyiin badan iyo culimo si ay arrintan shacabka uga dhaadhiciyaan, balse xaalada uga sii daray.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu qaadaa dhigayaa Qabuuro ka saarista meydadka, waxaana arrintan ay noqotay mid ay ka faa’iideysteen Mucaaradka dowladda iyo dadka ka xamaasha Baraha Bulshada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON