Tuesday, October 3, 2023

Shirkii Wadatashiga Qaran oo ka furmay Dhusamareb iyo Siciid Deni oo ka maqan

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirka wxaaa guddoominaya Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waxaa shirka mar kale ka maqan madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo maamulkiisa uu xiriirkii u jaray dowladda Federaalka Bishii Janaayo 2023.

Ad

Shirka Dhuusamareeb ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!