Shirweynihii Aayo-ka-tashiga beesha Dhulhabanta ee degta degaanad Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood.
Waxaa shirka oo soconaya muddo 3 maalmood ah ka qeyb galaya Garaaradda, Guddiga Dhaqanka iyo waxgaradkii ugu badnaa ee Beeshan, iyadoo looga hadlayo xaaladda ka taagan Gobolka Sool iyo go’aanka ay ka qaadanayaan Somaliland.
Waxaan shirka kaalin iyo saameyn ku lahayd madaxda beeshaasi ku metasha Golayaasha dowladda ee Somaliland, waxaana lah cabsi qabaa inay kasoo baxaan go’aamo ku saabsan in SSC ay noqoto maamul gooniu taagan oo ay ka baxdo Somaliland.
Waxaa amniga sugaya ciidanmada Somaliland, taasoo ah xaqiiqada ka taagaan magaalada Laascaanood, iyadoo shirka gudhiisa ay ka muuqato calanka maamulka Khaatumo iyo Calanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha golaha wakiiladda somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo maalmo ku sugnaa magaalada Laascaanood, ayaa dib ugu laabtay magaalada Hargaysa, taasoo sii kordhisay dareenka Somaliland-diidka ah ee yaala Laascaanood.
