Shirkii degdega ahaa ee loogu yeeray Golaha caawa Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa socda, iyadoo xogtii ugu horeyay kasoo baxeyso arrimaha looga hadlayo.
Wararka ayaa sheegaya in shirkan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka, waxaana xarunta Golaha Wasiirada lagu arkay xubnaha Guddiga Abaaraha oo isugu jiray xubno ka kala socda bulshada rayidka oo dowladihii hore xilkan kasoo hayey.
Shirka Golaha wasiirada oo la filayay in lagu macgaabo saraakiil sare iyo Talisyada ciidamada ayaa ugu danbeyn lagu magacaabay Guddi qaabilsan Abaaraha oo cusub.
Golaha Wasiirada ayaa u codeeyay in Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur la hoos geeyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirka Golaha Wasiirada lagu magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeyo arrimaha gurmad abaaraha dalka.
