Shirkii Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiintaMaxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa lagu kala tegay, kadib markii qodobbo culus la isku mari waayey.
Shirka oo saacado badan qaadatay ayaa xilli saqdii dhexe kadib 3:00 AM lagu kala tegay, iyadoo dhinac waliba oo shir jaraa’id iskiis u qabtay, kuna faafhaahiyay sababta shirku u fashilmay, waxayna ka sinnaayeen in shirka u fashilmay in Musharixiinta qeyb ka noqdaan Shirarka Wadatashiga Doorashooyinka.
Midowga Musharixiinta oo uu u hadlay C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in shirka lagu heshiin waayey, taasina ay keentay markii dadkii ay wadahadalka kula jireen (Ra’iisal wasaaraha) uu noqday qof dhinac kale hagayo (Farmaajo) oo aan go’aan lahayn, nasiin darraraduna ay halkaas ka timid.
“Dadka dastuuriyan go’aanka u leh oo aan la fadhinay caawa ayaa muuqatay in aysan iyagu go’aanka laheyn, Madaxweynaha ayaa fariin qoraal usoo dirayay”. ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo caddeeyay in wax kasta oo xal ah uu diiday Farmaajo oo hagayey Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.
Wuxu sheegay inay ka hadleen arrimaha siyaasadda, amniga, ayna soo jeediyeen in xal laga gaaro dhacdadiid 19 Febraayo in talaabo laga qaado tallaabo, in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu amniga doorashada ku wareejiyo xukuumadda, lana furo saaxadda siyaasadda; Mandate-ka Madaxweynaha sida laga yeelayo in kaalinta Midowga Mushariixiinta yeelanayo.
“Waxaan aad u xunahay in dadka go’aanka iska leh oo dastuuriyan iyo siyaasiyan u leh oo aan Caawa dhan la fadhinay, inay muuqatau inaysan go’aanka iyagu lahayn.. waa nasiib darro usoo hoyatay taariikhda siyaasadda Soomaaliya… Qoraal kasta iyo is-afgarad kasta ah oo la gaaro waxay ahayd in laga soo ansixiyo meel kale oo shirka ka baxsan oo dib loogu celiyo, taasaana keentay in shirku saacado badan qaato iyadoo qoraal ah.. taas ayaan u dulqaadanay.. ciddii qoraalka soo direysay waxay diiday in shirku hore u socdo, ciddaas oo ah madaxweynaha xilka ka dhammaaday oo gadaal ugu dheganaa dadkii aan wadahadalka kula jirnay” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo faahfaahin ka bixiyey sababtii shirka fashilisay.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo isna shir jaraa’id oo kale qabtay ayaa shaaciyey in shirka lagu heshiin waayay, kadib markii Midowga musharixiinta ay dalbadeen in laga qeyb geliyo Madasha Wadatashiga, taasoo ahayd mid aysan go’aankeeda lahayn xukuumadda, balse wadahadalku sii socon doono.
Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta ayaa farriin uu shaaciyey ku yiri: “Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September, 2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa. Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.”
Lama oga halka looga dhaqaaqayo fashilka shirka Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta, waxaana muuqata in la is mari waayey, markii ay xaaladu gaartay qodobkii ugu weynaa ee ay dalbanayeen Midowha Musharixiinta oo ahaa inay qeyb ka noqdaan Wadahadalka Doorashooyinka.
