Wednesday, February 19, 2025

Shirkii Madasha Qaran oo Fashil ku dhammaaday iyo Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo

Shirkii Golaha Madasha Qaran ee Wadatashiga ayaa fashil kusoo idladay, kadib markii uu ka baxay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Axmed Madoobe oo ka horyimid qorshaha Doorashada ‘Qof iyo Cod’ ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Kismaayo, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada kale ee ku shirsanaa Muqdisho ayaa ku guul darreystay inay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku qanciyo inuu aqbalo Doorasho Qof iyo Cod ah.

Ad

Axmed Madoobe ayaa ku dooday inuu qabsanayo doorashadii maamulkiisa oo bisha Novembar ku beegan, isla markaana aanay suuragal ahayn inuu doorasho guud qeyb ka ahaado oo ay ka maqan yihiin Puntland, Khaatumo iyo Somaliland.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidaas natiijo la’aan ugu dhammaaday, iyadoo aan la ogeyn in wax war ah laga soo saari doono iyo inkale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON