Wednesday, February 19, 2025

Shirkii Madasha oo u xayiran Axmed Madoobe iyo War-Murtiyeedkii laga soo saari lahaa…

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmay 2-dii bishan Oktoobar magaalada Muqdisho ayaan weli lagu guuleysan in lasoo xiro, isagoo noqday shirkii ugu waqtiga dheeraa ee Golaha.

Shirkan waxaa looga dooday hanaanka Doorashada Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka iyo waliba fulinta heshiisyadii uu Goluhu hore u gaaray, iyadoo la isku mari waayay.

Waxaa shirka si lama filaan ah shirka uga baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo ku laabtay 7-dii Oktoobar, kadib markii uu diiday Qorshihii Doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inuu weli socdo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana dib la isugu soo laaban doonaan madaxda qaarkeed oo wadatashi u baxeen.

Axmed Madoobe ayaa shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland ee dhacay Khamiistii 10-ka Oktoobar si hoose ugu sheegay inuusan ku laabaneynin shirka Golaha Wadarashiga ee Muqdisho, isla markaana ay Jubbaland qabsan doonto doorashadeeda.

Shirka Golaha ayaa wixii intaas wuxuu galay toddobaad hubanti la’aan ah, iyadoo rajo aan fiicneyn laga qabay inuu shirka kusoo laaban doono Madaxweynaha Jubbaland.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo Axadii tegay magaalada Kismaayo ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in socdaalkiisa magaalada Kismaayo ahaa mid daba socda kulamo uu la yeeshay Madaxda sare ee DFS.

Wuxuu Axmed Madoobe ku adkeeyay muhiimada ay leedahay inuu sii wado xiriirka u dhaxeeya Madaxweyne Madoobe, Madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada si loo xaliyo arrimaha ka taagan ee Golaha Wadatashiga.

Qodobka ugu adag ee horyaalla Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Xamse Bare ayaa noqday sidoo loo xiri lahaa Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Qaabka loo qorayo War-murtiyeedkii laga soo saari lahaa.

War-murtiyeedka ayaa laga cabsi qabaa inuu ku qabso Madaxweyne Axmed Madoobe go’aan uu ku qaadacyo Golaha Wadatashiga Qaran, kuna dhawaaqayo inuu Mowqifkiisa.

Qorshihii Doorashada Madaxweyne Sheekh ayaa qarka u saaran inuu fashilmo, haddii ay Jubbaland ka harto, kuna biirto Puntland hore uga baxday Golaha Wadatashiga Qaran.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON