Sunday, May 25, 2025

Shirkii Hiigsiga cusub oo Muqdisho ka furmay (Maqnaashaha Puntland & Juba miyaa la tebayaa?)

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta guddoominaya shirka  caalamiga ah ee Hiigsiga cusub oo goor dhow ka furmaya xarunta Afisyone ee magaalada Muqdisho. Shirka oo ah wada-tashiga dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka iyo maamulada dalka ka jira ee looga hadlayo hiigsiga 2016 iyo qorshaha hirgelintiisa wuxuu muhiim u yahay taageerada ay beesha caalamka siineyso Soomaaliya.

shirka muqdisho

Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa casuumaad u kala diray madaxda maamul goboleedyada si ay magaalada Muqdisho u yimaadaan shirkaasi, waxaase qaadacday Puntland oo ku doodeysa in iyadoo aan la xalin khilaafka kala dhaxeeya dowlada Federaalka aanay shirka ka qeyb galeynin. Dadaal madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayay inuu Axmed Madoobe uga dhaadhiciyo ka qeybgalka shirka ayaa isna guul darreystay.

Ad

Waxaa shirka ka qeyb galaya Maamulada Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan hogaamiyo iyo maamulka cusub ee Galmudug ee C/kariin Xuseen Guuleed madaxweynaha ka yahay, waxayna labadan maamul xiriir fiican la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulada Puntland iyo Juba ayaa la sheegay in ka maqnaanshahooda shirka ay dhibaato ku noqon doonto dowladda Federaalka oo u muuqaneysa inaysan heysan taageerada maamulada ka hoos jira, laakiin dhinaca kale waxay qasaaraha ugu weyn ka soo gaarayaan maamulada maqan oo doorkoodii la maqnaan doona.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON