Thursday, April 24, 2025

Shirkadda ICAO oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Qalabkii Maamulka hawada {Sawirro}

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Kulmiye Xirsi “Cabdiraxmaan Dheere” ayaa sheegay in maanta saraakiil ka socoto Hay’ada socdaalka adduunka ee ICAO ay kala wareegeen qalab dhameystiran oo lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya.

“Waxaan maanta qalabkii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya kala wareegnay Hay’ada ICAO, waan kaga mahad celineynaa Hay’ada sida ay noo taageertay, qalabkaan wuxuu sahli doonaa in mudo dhowr iyo labaatan sano ka dib hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

Wasiiru dowlada wuxuu sheegay in heer gaba gabo uu marayo qorshaha ay guud ahaan kula soo wareegayaan Maamulka Hawada Soomaaliya, isagoo xusay ay diyaar tahay goobtii looga shaqeyn lahaa qalabkaasi ay maanta la wareegaan, waxa kaliya ee u harsana ay tahay in la soo wareejiyo shaqaalihi ka shaqeynayay hawada Soomaaliya oo hada ku shaqeeya dalka Kenya.

Ad

“Qalab dhameystiran ayaan kala wareegnay Hay’ada ICAO, meeshii aan ku shaqeyn laheyn way inoo diyaarsan tahay, waxaa inoo harsan shaqaalihii hawsha qaban lahaa oo hada ku shaqeeya xarun ku taala dalka Kenya” ayuu intaa ku daray Wasiir Cabdiraxmaan Dheere.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON