Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa ka hadashay warar baraha bulshada lagu baahiyey oo ku saabsan duulimaad ay bilaabeyso inay ku tagto magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Shirkadda ayaa caddeysay inuu weli hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, waxayna beenisay wararka sheegaya in duulimaadyadaasi ay bilaaban doonaan.
“Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal ay shirkadda soo saartay.
“Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxya shirkadad diyaaradaha Kenya Airways.
Dowladda Kenya ayaa joojisay dhammaan duulimaadyada taga Soomaaliya, kadib markii ay shalay Hay’adda Duulista hawada Kenya hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.
Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.
