Wednesday, December 4, 2024

“Shirkadaha Heshiiska lala galay ma aha kuwo soo saara Shidaal, waxayna Berri hor istaagayaan..”

Aqoonyahan Yaxye Caamir oo ka hadlay dhibaatadda ka dhalan karta Heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka

Mid ka mida Aqoonyahannada Soomaalida Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka hadlay muranka ka taagan Heshiiska Shidaalka ee Soomaaliya oo uu shaaciyey Wasiirka Macdanta & Batroolka Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Wuxuu sheegay in labo hab loo galo heshiiskan, qaabka heshiiskani loo galayna ay tahay mid burcadnimo oo kale ah oo lagu kala qaatay lacago, wasiirkuna aanu saxiixin, laakiin mas’uul ka socda Hay’adda Batroolka Soomaaliya uu saxiixay, wasiirkuna uu ayiday.

Ad

Wuxuu Prof. Yaxye ka digay in Shirkadaha heshiiska lala galay aysan ahayn shirkado shidaal soo saara, balse ay kaliya yihin shirkado leh xarumaha shidaalka lagu iibiyo oo in loo saxiixo heshiis Wax soo saar Shidaal qeysina ay tahay mid halis ah.

“Shirkadahaan ma aha kuwo soo saara Shidaalka, waa Dallaaliin raba in Berri in ay kaa hor istaagaan heshiis weliba oo ku beec xira kuna dhahaya intaas iga sii, Lacagta heshiiska lagu qaatay meel ay ku dhaceyso lama haayo waana nooc ka mida Burcadnimada” ayuu yiri Prof Yaxye oo wareysi siiyay VOA-da.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON