Shirkadaha Flydubai ee dalka Imaaraadka Carabta iyo Ethiopian Airlines ee dalka Itoobiya ayaa u hoggaansamay Amar dignniin ah oo ay siisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa qoraal toos ah ay u kala dirtay labadan shirkadooda uga ka digtay in haddii ay Barahaooda Internerta ka saari waayaan inay Garoonka ka dhigaan meel aan ka mid ahayn Soomaaliya laga mamnuucayo hawada Soomaaliya 24-ka bishan.
Flydubai iyo Ethiopian Airlines ayaa magaca “Somaliland” ka saaray mareegaha ay ku shaqeeyaan ee Internetka, kadib markii ay Soomaaliya soo saartay amarkan culus oo ku dalbatay inaanay isticmaalin ‘Somaliland’ oo ah Gobol Sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya, balse aan la aqoonsaneyn.
Dowladda Soomaaliya oo adeegsaneysa hay’adda duulista rayidka ah ee SCAA, ayaa digniintan Arbacadii u dirtay diyaaraddaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai, iyadoo sheegtay in haddii ay u hoggaansami waayaan amarkaas marka la gaaro 24-ka Agoosto, 2024 in laga mamnuuco ku duulista hawada Soomaaliya.
Flydubai ayaa isla markiiba fulisay amarka Hay’adda Duulista ee dowladda Soomaaliya, halka Ethiopian Airlines ay qoraal jawaab ah uga cudurdaaratay inuu waqtiga la siiyay aad ugu yar tahay oo ay u baahan tahay waqti kale, balse waxay si degdega u fulisay amarka dowladda Soomaaliya.
Waxaa baraha bulshada ku baahay sawirro iyo muuqaallo ku saabsan website-ka Ethiopian Airlines, oo laga saaray magacii Somaliland, iyadoo Garoonka Hargesia uu hadda ka mid yahay garoomada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf xooggan, kaddib markii heshiis ay kala saxiixdeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya oo Addis Ababa loogu ogolaaday inay hesho dekedda Somaliland. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay u aqoonsan lahayd Somaliland dal madax-bannaan.