Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala gudaha dalka ayaa joojiyey dhammaan duulimaadyadii gobollada dalka, iyagoo ka cabanaya arrimo amni oo ay ku eedeeyeen Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Ururka Diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay howlihii duulimaad ee gudaha dalka joojinayaan laga bilaabo Axadda Berri 19-ka June 2022, taasoo ay ugu wacan tahay in caqabado kasoo cusboonaaday qaar ka mida Garoomada Dalka.
Ururka Diyaaradaha ayaa sheegay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed aysan u muuqan wax ka qabashada Bedqabka Diyaaradaha iyo rakaabka saaran.
Khilaafka ayaa salka ku haya xaaladda ka taagan Gobolka Gedo oo laga dhaxlay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo maamulka halkaasi ka jiro uu weli ka amar qaato dowladii hore.
Ma jiro wax Wararka ayaa sheegaya ah oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka iyo Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista.
