Saturday, May 17, 2025

Shirka Musharixiinta iyo RW Rooble oo furmay (Akhriso: Qodobadda horyaalla iyo xubno ka baaqsaday)

Shirkii Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ayaa goor dhoweyd ka furmay Hotelka Decale ee gudaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa shirkan soo qabanqaabiyey xubno ku dhow Ra’iisal wasaaraha oo isugu jira xildhibaanno iyo Senatooro, iyadoo ay suuragal noqoto inuu qabsoomo kadib markii Ra’isal wasaaraha xilka sii haya uu ergada u sheegay inuu ogol yahay laba qodob oo ka mida saddex qodob oo ay shuruud ka dhigeen Mushariixinta.

Kulanka waxaa ku sugan inta badan Midowga Musharixiinta oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka mida Sheekh Shariif, C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle, C/kariin Guuleed iyo musharixiin lale. Dhinaca kale Maxamed Xuseen Rooble waxaa ku wehliya madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Ad

Waxaa shirka ka maqan musharixiinta kala ah: Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo aan la ogeyn sababta ay uga baaqsadeen shirkan oo warar kala duwan kasoo baxayaan.

Qodobadda ugu waaweyn ee shirka horyaalla ayaa ah: In raaligelin laga bixiyo weerarkii lagu qaaday musharixiinta iyo bannaanbaxooda, halka xukumadda ay dooneyso in Guddi baaritaan loo saaro iyo in dowladda ay ogolaato bannaanbaxyada ay wadaan Mushariixinta, laakiin Rooble ayaa doonaya inuu ugu yaraan baajiyo bannaanbaxa Berri, kadibna la wadahadlo.

Qodobka ugu weyn shirka ee ah inay Musharixiinta qeyb ka noqdaan shirarka wadatashiga Doorashooyinka ayuu Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya u sheegay ergada inuusan go’aan ka gaari karin, kaasoo u muuqda inay ku adag tahay, kuna xiran tahay Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON