Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Arbacadda Berri magaalada Muqdisho ka furaya shir wadatashi ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay inay ka qeyb galayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.
Kulank ayaa la sheegay inuu yahay wadatashi iyo is-qancin looga gudbayo xaaalada dalka uu ku jiro, waxaana casuumaadii loo diray ka qalay oo ka qeyb galaya in ka badan 20 madax hore iyo siyaasiyiin, halka qaar kale ay ka cudurdaarteen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda uu casuumay la wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, isagoo ka dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka siiba dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
waxaa Muqdisho ku sugan oo shirkan ka qeyb galaya: Sheekh Shariif Axmed, Cali Maxamed Geedi, Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali khayre, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Cabdiwali Maxamed Cai Gaas, Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, Shariif Xasan Sheekh Aaden, Maxamed Mursal Sheekh, iyo siyaasiyiin kale.
Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyay inaysan ka qeyb gali doonin madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka cudurdaartay iyo Ra’iisal wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiwali Sheekh Axmed.