Thursday, April 24, 2025

Shirka Caqaba: Madaxweynaha Kenya oo Soomaalida ku eedeeyay argagixiso (Muxuu ku jawaabi doonaa madaxweynaha Somalia?)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo dalalka Bariga Afrika ka socda ayaa ka qeyb galaya shirka kulanka xiriirinta Geeska Afrika oo maanta ka furmaua magaalada Caqaba ee dalka Urdun ayaa  looga hadlayaa sida loola dagaalamayo argagixisada iyo fikirka xag-jirnimada.

Shirka Horn of Africa Coordination Meeting ee Caqaba, Urdun ka dhacaya ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan madaxda dalalka Geeska Afrika oo la hardamaya kooxda Alshabaab. Waxaana madaxweyne Xasan Sheekh la filayaa inuu kulankaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Kenyan-President-Uhuru-Kenyatta-left-in-talks-with-Somali-President-Hassan-Sheikh-Mohamoud-at-State-Lodge-Sagana.

Ad

[ad name=”HTML”]

Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti  iyo Tanzania ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka, waxaana madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata la filayaa inuu arrinta Alshabaab si weyn uga hadlo, sida ay qoreen saxaafada Kenya Madaxweynaha Kenya wuxuu si weyn uga hadli doonaa xaaladda nabadgelyo darro ee Soomaaliya isagoo ku doodaya inay dhibaatada Kenya ka timid Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa la sheegay inuu shirka Caqaba ka sheegi doono xasilooni darrada Soomaaliya iyo in la awoodi waayay sugidda ammaanka degaanada Alshabaab laga xoreeyay iyo kuwa weli gacantooda ku jira ay yareysay awoodii Kenya kula tacaali lahayd khataraha Alshabaab.

- Advertisement -

Wuxuu markii ugu horeysay Uhuru Kenyatta ka hadli doonaa qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya ku sugan oo dowladiisa ay ku hanjabtay inay dalkeeda ka rari doonto, isagoo ku doodaya sii joogitaanka in ka badan Nus Milyan qaxooti Soomaali ah oo muddo 24 sano ah ku sugan Kenya ay xaaladoodu hadda ahayn mid bani’aadamnimo balse dalkiisu ula macaamilayo arrin nabadgelyo.

Madaxweynaha Kenya wuxuu khudbada uu ka jeedin doonaa shirka Urdun ka dhacaya ee madaxda Geeska Afrika ka qeybgaleyso ku eedeyn doonaa qaxootiga Soomaalida in Aagii dagaalka ay gudaha u geliyaan Kenya ayna lagama maarmaan tahay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaalida.

Kulanka oo uu marti gelin doono Boqorka Urdun Boqol Cabdalla ayaan la ogeyn khudbadda uu madaxweyne Xasan Sheekh u diyaarsaday iyo inuu iska difaaci doono dhiggiisa dalka Kenya.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON