Wednesday, November 13, 2024

Shir Saacado soconaya oo Baydhaba uga furmay Lafta-gareen, Qoorqoor & Waare (Maxaa looga reebay Cumar Filish?)

Shir saddex geesood ah ayaa madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug uga furmay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Shirkan oo ah wadatashi u dhaxeeya saddexda madaxweyne ee C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaan lagu casuumin guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) oo wax ka saxiixay shirkii Dhuusmaareeb, waxaana taas sabab looga dhigay khilaaf ka dhaxeeya Cumar Filish iyo Madaxweynaha Galmudug.

Shirkan oo saacado socon doona ayuu furitaankisiii ka sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftgareen) inay ka eqyb galyaan Shirka Muqdisho oo uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo, kana ka qeyb galayaan, ayna Soo dhoweynayaan heshiiskii lagu gaarya Dhuusmareeb 3, basle ay muhiim ay tahay in la dhageysto Madaxweyniyaashii shirkii Dhuusamareeb ka maqnaa.

Ad

Dhinaca Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isna shirka Baydhaba ka sheegay in Koonfur Galbeed uga mahad celinayo sida ay u garab istaageen shirkii Dhuusamareeb, isla markaana uu sooo dhoweynaayo in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland tabashadooda la dhageysto.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Madaxweynaha Hirshabelle oo caddeeya in shirka Mudisho lagu dhageysanayo fekradaha madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, lana sii xoojinayo heshiiskii Dhuumareeb 3 oo ahaa mid lasoo wada dhoweeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON