Labada dhinac aya ku heshiin waayey ajendaha shirka, taasoo keentay in lagu kala tago, waxaana jirta rajo kale.
Kulankii heer farsamo ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) oo la filaayey in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa la isku mari waayey oo lagu kala tegay.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaa lagu heshiin waayey oo la isku raaci waayey ajendaha looga hadli lahaa kulanka, taasoo keenay in lagu kala tago.
Kulanka waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Sen. Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika Fiona Lortan.
Arrinta nayaa ka danbeysay markii Dowladda Fedeaalka ay ka hor timid go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ee la xiriiray sii joogitaanka Soomaaliya ciidanka Midowga Africa iyo in loo bedelo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Midowga Afrika iyo Q/Midoobay.
Wafdiga ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ayaa iyagana dhankooda ku adkaystay qodobbada Baaqa AU PSC ee 07/10/2021.
Labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika ayaan midkoodna sameyn wax tanaasul ah, waxayna isku raaceen in berrito mar kale la isku soo laabto, la iskuna dayo xal u helidda is-afgarad la’aanta.



